Mon. May 6th, 2024

Garoowe:- 08- Aug-2023: Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Mudane Maxamed Siciid Faroole ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hoggaaminayo madaxa hay’adda Care ee Soomaaliya Gary Mackuk.

Kulanka waxaa looga hadley xoojinta wadashaqeynta hay’adda iyo dawladda, gaar ahaan arrimaha horumarinta Waxbarashada oo Care doorweyn ka gaysato.

Kulanka Waxaa ka qaybgaley Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Puntland.

By Admin