Mon. May 6th, 2024

Garoowe: 08 August 2023: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland Eng Abdulkadir A Farah oo ay Weheliyaan Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha Beeraha iyo Waraabka, Xanaanada Xoolaha iyo Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimiladda ayaa Furay kulan lagu soo bandhigayey guulihii laga gaadhay Wajigii-1aad ee Mashruuci Biyoole iyo qaab dhismeedka Wajiga-2aad ee Barwaaqo uu Maaalgaliyo Bankiga Aduunka .

Intii uu kulanku socday ayey Maamulka mashruuca Biyoole warbixin kooban ka siiyeen Wasaaradaha bah-wadaagta la ah Mashruuca waxyaalihii u qabsoomey, guulihii ay gaareen iyo caqabadihii ay la kulmeen .

Mashruucii Biyoole ayaa faa’iido u ahaa dadka reer guura ah oo ay soo jawahaan abaaro soo noqnoqda ayaa ka helay goobo ay ku keydsadaan biyaha roobka .

By Admin