Mon. May 6th, 2024

Garoowe: 21 August 2023: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland Eng Abdulkadir A Farah oo ay weheliyaan gudiga dib u eegista mashaariicda Hay’addaha ayaa u yeeray Hay’adda Diakonia .

Wasaaradda Qorshaynta dawladda Puntland oo ka duulaysa dhaqangelinta Siyaasadda qiimaynta iyo dabagalka ayaa bilowday daba galka iyo xaqiijinta Fulista Mashaariic sanadeedka 2023 ee ay wadaan Hay’addaha ka howl gala gudaha Puntland , isla markaana maanta ka dhagaystay Hay’adda Diakonia warbixin ku aadan mashaariicda ay wado, waxyaabaha u qabsoomey iyo dhamaystirka kuwa qabyada ah .

Ugu danbayn Agaasime Cabdulkadir ayaa uga mahadceliyey Hay’adda Diakonia mashaariicda ay ka waddo deegaanada Puntland sidookala kala hadlay sidii loo dardargelin lahaa dhamaystirka mashaariicda 2023 iyada oo lagu salaynayo qorshaha hormarinta Shanta sano ee dowlada Puntland.

By Admin