Tue. May 7th, 2024


Garoowe: 2 August 2023: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Hon Ahmed Abdirizak Dirie. oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Xisaabiyaha guud ee Dowladda Puntland ayaa saaka shir gudoomiyey shir looga hadlayey dardar galinta cashuuraha ku waajibtay Qandaraasyada iyo Shaqaalaha Qaramada Midoobay ee haysta heshiiska (Service contract) .

Wasaaradda Maaliyadda oo kaashanaysa Wasaaradda Qorsheynta ayaa dadaal ugu jirta sidii loo xoojin lahaa uruurinta cashuurta ku waajibtay mushaharka shaqaalaha Qaramada Midoobay ,Qandaraasyada, gaadiidka iyo guryaha Hay’adduhu degan yihiin .

Dawladda Puntland ayaa dib u habayn iyo casriyeyn ku samaysay cashuuraha si kor loogu qaado adeegyadda dawladnimada iyo koboca dakhliga Guud ee Dawladda .

By Admin