Sun. May 19th, 2024

Bosaaso, 27-jully-2023: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Puntland Eng. Cabdulqaadir Cabdidaahir Faarax ayaa ka qayb galay daahfurka mashruuca Saameynta ee kor u qaadida iyo xal u helidaa Barakacayaasha, oo maanta lagu daahfuray Degmada Bosaso .

Mashruuca Saameynta Xalka Waara ee Arrimaha Barakacayaasha ayaa diiradda Saari doona sidii kor loogu qaadi lahaa Arimaha dhaqan dhaqaale ee Barakacaaysha isla markaaasna u gaari lahaayen Hormarka Waara ee Noloshaa, mashruuca ayey wada fulin doonaan Wasaaraddaha Qorshaynta,Howlaha guud, Arimaha Gudaha, Degmada Bosaaso iyo Hay,addaha UN-ka ee ka Shaqeeya Arimaha Barakacayaasha .

Sidoo kale Madasha daafurka mashruuca Saameynta ayey goob joog ahaayeen Maamulka Gobalka Bari, ka degamada Bosaaso, Agaasimayaasha Guud ee Waasaraddaha, Howlaha Guud, Arimaha Guddaha, Agaasimaha waaxda isku dubaridka deeqaha, Isuduwaha wasaaradda Qorshaynta ee Gobalka Bari iyo Madax ka socotay Hay’addaha UNDP, IOM iyo UNHABITAT.

By Admin