Sun. May 19th, 2024

Garoowe: 24-Jul-2023: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland Eng: Cabdulqaadir Cabdidaahir Faarax ayaa maantq furay shirka Madasha Horumarinta Puntland (Puntland Development Forum-PDF).

Shirka waxaa looga hadley dardar-galinta Madasha Horumarinta Puntland iyo wada-shaqaynta Wasaaradda Qorshaynta Hay’addaha UN-ta ee ka howlgala deegaanada Puntland.

Madashada Horumarinta Puntland waxaa loo asaasay in lagu abuuro hannaan hufan oo fududeeya isku-xirnaanta, wadashaqeynta, iyo mideynta dadaalka hay’addaha dawladda, qeybaha bulshada iyo daneeyayaasha Caalamiga ah, si looga dhabeeyo hirgelinta qorsheyaasha iyo fikradaha horumarineed ee Puntland.

Shirka oo ay qaybgaleen qaar ka mid ah Hay’addaha Dowladda sida Wasaaradda Qorshaynta, Maaliyadda, iyo kuwa Caalamiga ah UNSOM, UNDP,UNHRC, IOM, UNICEf.

By Admin