Sun. May 19th, 2024

Garoowe: 23-Jul-2023: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland Mudane Cabdulqaadir Cabdidaahir Faarax ayaa maanta kulan la qaatay madax katirsan Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.

Kulanka waxaa looga hadley sidii loo xoojin-lahaa wadashaqeynta labada Wasaaradood, gaar ahaan Waaxyaha Qorsheynta oo ku hawlan dajinta iyo qorsheynta hawlaha shaqo ee Dawladda.

Kulanka Agaasimaha Guud waxaa ku wehelisey Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Ubax Cabdirashiid Maxamed.

By Admin