Sun. May 19th, 2024

Garoowe: 22-Jul-2023: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland Mudane Cabdulqaadir Cabdidaahir Faarax ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan looga hadlayay waxqabadka Xarunta Maareynta Xogaha ee Dawladda Puntland Informatiom Management Center (IMC).

Kulanka oo 3-dii biloodba mar la qabto, ayna ka qaybgaleen badi Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha waxaa lagu gorfeeyay sidii kor loogu qaadi-lahaa hawlaha shaqo ee xarunta, loona tayeyn lahaa hawl-wadeenada ka hawlgala xarunta.

By Admin