Sun. May 19th, 2024

Garoowe: 22-Jul-2023: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland Mudane Cabdulqaadir Cabdidaahir Faarax ayaa maanta warbixin ka dhagaystay maamulka iyo hawl-wadeenada Mashruuca Barwaaqo oo kamida mashaariicda horumarineed ee ay fulisey Wasaaradda Qorsheynta Dawladda Puntland.

Wajiga 1-aad ee mashruuca qorsheyaashii degganaa, waxyaabihii qabsoomey, guulihii la gaarey iyo caqabadihii lala kulmey ayay Agaasimaha la-wadaageen maamulka iyo hawl-wadeenada Barwaaqo Project.

Agaasimaha ayaa uga mahad-ceshay maamulka iyo hawl-wadeenada mashruuca sida hufnaanta leh ee ay u maamuleen shaqada muddadii ay socotay, isagoona kula dardaarmey inay sii dardar-geliyaan qorsheyaasha hawleed ee wajiga 2-aad mashruuca oo bilaabashadiisa la dhawrayo.

Mashruuca Barwaaqo oo horey loo oran jirey Biyoole waxaa maalgeliya Bangiga Adduunka, Wasaaradda Qorsheynta ayaana maamusha fulintiisa.

By Admin