Mon. May 6th, 2024

Garoowe: 09 August 2023: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland Eng Abdulkadir A Farah Ayaa maanta la kulmay Agaasimaha Mac-hadka Cilmi baaridhta ee SIDRA Mr. Saalim Siciid Saalim.

Intii uu kulanku socday ayaa Mac-hadka Cilmi baaridhta ee Sidra warbixin kooban ka bixiyey Cilmi baarista u sameeyo, mashaariicda uu fuliyo, iyo dardargelinta kuwa qabyada ka ah, Sidoo kale wuxuu soo bandhigay qorshaha Mac-haddka ee sanadkan 2023, waxqabad kiisii lixdii bilood ee la soo dhaafay iyo qorshaha bilaha soo socda iyada oo la waafajinayo Qorshaha hormarinta shanta sano ee Puntland .

Ugu danbayn Agaasime Cabdulqadir ayaa uga mahadcelisay Mac-hadka Cilmi baadhista Shaqada baaxda leh ee u qabsoontay Sidoo kalana kula dardaarmay hirgalinta Qorshayaasha uu la wadaagay.

By Admin